Farmaajo oo lagu eedeeyay in Faragalin ku hayo magacaabista Guddiyada Doorashada gobolada Waqooyi

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo in faragalin xoogan ku hayo magacaabista iyo dib u habeynta guddiyada doorashada ee matalaya gobolada Waqooyi .

Xuseen Carab Ciise oo katirsan Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo faragalin toos ah ku hayo magacaabista Guddiga Doorashada iyo xalinta khilaafaadka .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweynaha ku faragalinayo Ra’isul Wasaare Rooble in uu dib habeyn ku sameeyo xubnaha cabashada laga keenay ee ku jiray guddigii hore iyo magacaabista xubnaha cusub ee guddiga doorashada ku matalaya gobolada Waqooyi.

” Waxaa heshiis lagu gaaray shirkii ka dhacay Afsiyooni in Ra’isul Wasaare Rooble soo magacaabo xubnaha guddiga doorashada uuna ka tala galiyo Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Mhadi Guuleed, balse waxaa Rooble faragalin ku haya Farmaajo oo doonaya in isagu magacaabo xubnaha ku matalaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka gobolada Waqooyi ” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Cabar Ciise.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Farmaajo doonayo in awood kusoo celiyo qaar kamid ah xubnihii hore ee cabashada laga keenay lagana saaray guddiga dooarshada sidoo kale kusoo daro xubno cusub oo shaqaalo dowladeed ah iyo kuwa isaga taageersan.

Hadalka kasoo yeeray Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa kusoo aadaya xili soo baxayaan warar sheegayaga in Villa Soomaaliya faragalin ku heyso magacaabista guddiyada doorashada heer Federaal iyo kuwa matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -