Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Labada Aqal oo shaaciyay qabashada kulan Wadajir ah iyo arrimaha looga hadlayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.
 
Labada Guddoomiye ayaana kawada hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka federaalka  ee loo balansan-yahay afarta bishan May in uu noqdo mid wadajir ah oo ay yeeshaan xildhibaanada labada Aqal.
 
Kulanka wadajirka ah ee yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.
 
Waxaa sidoo kale la filayaa in kulanka wadajirka ah lagu magacaabo guddi qaban qaabiya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay iska soo dhax xuli doonaan Baarlamaanka labadiisa Aqal .
 
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in la dedejiyo ayna qaadato maalmo yar, waxaana guddoonka labada Aqal isla garteen sida aan wararka ku helnay in doorashada si deg deg ah loo qabto si xaalada adag uu dalka ku jiro looga saaro .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa fuliyay Duqeyntii Diyaaradeed ee lagu dilay C/xakiim Dhuqub (War Saxaafadeed)

Cabdi Cade

Jubbaland oo ka hadashay Ciidankii ka goostay kuna biiray Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---