Muuse Biixi oo tukashada Salaadii Ciida ka dib baaq u diray Shacabka Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaadda ciidal Adxada.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maayarka caasimadda, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan, ayaa la tukaday shacabkii salaadda ciidal Adxada ku gutay masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, danta guud iyo horumarkana u midoobaan.

Biixi ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka u rajeeyey inuu dembi-dhaaf ballaadhan siiyo, sannadkan sannadkiisana nabad iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in Somaliland wax ku noqon karayso marka shacabkeedu is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla.

“Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.”ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bulshada ugu baaqay inay aamminaan awooddooda, si midaysanna uga hortagaan Aafada maandoorayayaasha kala duwan ee dalka lasoo gelinaya, islamarkaana ay arrintaas kala shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay qaar kamid shacabka iyo haldoorka Bulshada oo booqashadii ciidda ugu yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -