Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada Dhuusomareeb ku qaabilay wafdi ka socday Wakiilada beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya.
 
Wefdigan Dhuusomareeb gaaray waxaa hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ambs James Swan, waxaana xubno ka ahaa wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.
 
Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiiladan ka socday beesha Caalamka ayaa kulan ay yeesheen diiradda ku saaray dardargelinta arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.
 
Wakiilada beesha Caalamka ayaa maalmahan safaro ku tagayay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, waxa ayna kulamo la qaateen Madaxda dowlad goboleedyada iyagoona kala hadlayay dardar galinta doorashada lagu heshiiyay qabsoomideeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -