Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo magacaabay Agaasime hadal heyn ka abuuray Baraha Bulshada (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa lagu aas aasay waax cusub oo loogu magac daray Waaxda Abaarmiitooyinka Muqdisho.

Cumar Finish ayaana waaxdan cusub uu sameeyay agaasime uga dhigay Kamaaludiin Yuusuf Maxamuud , waxa uuna agaasimaha kamid noqonayaa agaasimayaasha waaxyaha uu ka kooban yahay maamulka Gobolka Banaadir.

Baraha bulshada oo lasoo dhigay wareegtada magacaabistan ayaa hadal heyn badan abuurtay, waxa ayna dadka layaab ku noqotay in waax dhan loo sameeyo guryaha abaarmiitooyinka oo mudooyinkan kusoo kordhay Muqdisho.

Dadka aragtiyada ka dhiibtay ayaana qaarkood ugu baaqayay Duqa magaalada Muqdisho in agaasime iyo waax u sameeyo guryaha baacweynayasaha ama jiingadaha ah iyagoo sidoo kale soo qorayay hadalo kale oo kaftan u badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/atUtfHUDy5A

Related posts

DF oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xirnaa dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali

Xaaf oo la sheegay in uu wado abaabul dagaal uu ku weerarayo magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Askari baxsad ahaa oo ku dhuumanayay Guriga Siyaasi caan ah oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---