Janaraal Odawaa oo Shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Xerada Jan Dhaga Badan

Taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax ismiidaamin ah oo saakay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ka fuliyay afaafka hore ee Xerada tababarka Janaraal Dhaga Badan Ex Warshada Nacnaca.

Qaraxan ayaana lala beegsaday dhalinyaro badan oo doonayay in ay ku biiraan ciidanka xooga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gorgor, waxaana dhalinyaradan la qarxiyay xili ay doonayeen in ay galaan gudaha xerada.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in qaraxa ismiidaaminta lagu dilay 10-kamid ahaa dhalinyarada tababarka isku qoreysay halka ay ku dhaawacmeen 20-kale.

Waxa uu shegay taliyaha in ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu galay safka ay dhalinyarada ugu jireen galitaanka xerada Jan, Dhaga Badan, waxa uuna taliyaha tacsi u diray ehelada dadkii qaraxa ku dhintay isagoona caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Khasaaraha dhimasho ee qaraxan ka dhashay ayaa wararka ana heleyno sheegayaan in ay ka badan yihiin tirada uu sheegay taliyaha, waxaana wararku sheegayaan in tirada dhimashada ay ku dhaw dahay 20-tan halka dhaawacyadana kasii badan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -