Allbanaadir.com
NEWS

DF oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xirnaa dalka..(Sawirro)

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala.

Dadka dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa ka mid ah  ilmo ka yar 11 bilood jir ah

Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soo galootiga iyo Xuquuqda Carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha  dembiileyaasha ah .

DFS waxay u mahad celineysaa Midowga Yurub oo maalgeliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa.

Waxaa sidoo kale ay DFS u mahadcelinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.

Related posts

Muuse Jaamac Cige oo shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay 

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda magaalada Dhuuso Mareeb 

Cabdi Cade

Xilliga ciidamada AMISOM dalka ka baxayaan oo la ogaaday iyo Khatar Amni oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---