Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xero Nacnac iyo askar badan oo…

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray oo ka dhacay banaanka hore ee xerada ciidamada tababarka Nacnac ee kutaala degmada Wadajir.

Sida aan wararka ku helnay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa dhax galay koox dhalinyaro ah oo saf ugu jiray in ay galaan xerada ayna tababar u qaataan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada kumaandooska ee Gorgor.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah uu dhinac ka galay dhalinyarada safka ugu jiray kamid noqoshada ciidamada Gorgor kadibna uu is qarxiyay.

In ka badan 10-qof oo u badnaa dhalinyaradii safka ugu jiray tababarka ciidanimada ayaa goobtaasi ku geeriyooxay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaar kale oo lasoo sheegayo in ay ku jiraan kuwa dhaawacyo culus qaba.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali faah faahin rasmi ah ka bixin weerarkan ismiidaaminta ah ee ka dhacay xero Nacnac, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray saraakiil katirsan ciidanka milatariga iyo booliiska si ay baaris ugu sameeyaan sida uu qaraxu u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -