Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo qorsheeneysa in Bangi ka furato dalal Soomaaliya ay ku jirto

Dowlada Masar ayaa qorsheeneysa in xarumo Bangi ka furtaan dalal ay ku jirto Soomaaliya, si sare loogu qaado Is-dhaafsiga Ganacsiga ee dalalka Soomaaliya iyo Masar oon hada laheyn xiriir ganacsi oo xoogan.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Masar, Akef El-Maqrabi ayaa ka sheegay Madasha Koowaad ee Shirka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Afrika ee IPAs in ay qorsheenayaan in la balaariyo xarumo cusubna ka furtaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti.

Akef El-Maqrabi, ayaana ka codsaday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti in ay siiyaan leesin ay kaga hoolgalaan dalalkooda, waxa uuna xusay in ay rajo ka qabaan in lasii balaariyo xarumaha uu bangiga Masar ku leeyahay qaarada Afrika.

Bangiga Masar ayaa la aas aasay sanadkii 1920-kii, waxaana bangigan la qarameeyay oo dowlada Masar la wareegtay  sanadkii 1960-kii, bangigan ayaana hada ka shaqeeya dalka Masar iyo dalal kale oo Afrika kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Guriceel iyo Maamulka Galmudug oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo si kulul u Cambaareesay Weerarka Xamaas ku qaaday Israel

Cabdi Cade

Askari Maraykan ah magdhow lacageed ku helay arrin yaab leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---