Xidig Muslim ah oo Isbitaal casri ah ka dhisaya Tuulada uu ku dhashay (Sawirro)

Xidiga Qaranka Senegal iyo kooxda kubada cagta ee Liverpool Sadio Mané ayaa mashaariic waa weyn oo loo riyaaqay ka fulinaya dalkiisa gaar ahaan tuulada uu ku dhashay kuna soo bar baaray.

Sadio Mané oo dalkiisa dib ugu laabtay ayaa la kulmay Madaxweynaha Senegal Maky Sall, waxa uuna xidagan kala hadlay Madaxweynaha mashaariic uu damacsan yahay in uu ka fuliyo dalkiisa gaar ahaan deegaanka uu ku dhashay.

Laacibkan ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu qorsheenayao in isbitaal weyn oo si casri ah loo dhisay ka hirgaliyo Tuullada uu ku dhashay ee Banbal halkaas oon laheyn wax isbitaal ah ayna ka jirto baahi caafimaad.

Sadio Mane ayaa bixiyay lacag gaareysa 700,000 oo Dollar, oo loogu tala galay in lagu dhiso isbitaalka casriga ah ee laga hirgalinayo tuulada uu kasoo jeedo si isbitaalkaasi u daboolo baahida caafimaad ee halkaasi ka jira.

Xidigan sumacada badan ku leh kubada cagta ayaa horey sidaan oo kale dalkiisa uga fuliyay mashaariic badan oo bulshada faa’iido leh sida dhismaha goobo waxbarasho , waxa uu sidoo kale taageeraa caruurta kunool tuulada uu kasoo jeedo ee Banbal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -