Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada booliiska oo gacanta ku dhigay rag la tuhmayo in ay geesteen dil laga argagaxy

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Caabudwaaq ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil maalmo kahor degmadaasi loogu geestay nin shacab ahaa.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada sameeyeen kusoo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil loo geestay Odawaa Axmed oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ragan lasoo qabtay ay ku wadaan baaritaano ku aadan dilkan lagu tuhmayo, waxa uuna sheegay in baaritaanka kadib dadkan xiran u gudbin doonaan maxkamad si cadaalada loo horgeeyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in kiiskan si fudud uga hari doonin, waxa uuna cadeeyay in dadkii ka dambeeyay dilkaasi cadaalada la marsiin doono.

Koox hubeesan ayaa gurigiisa ku dhax dilay Odawaa Axmed oo ahaa nin caan ka ahaa dCaabudwaaq kana sahaqeyn jiray dhismaha guryaha, waxaana dilkan noqday mid ay ka argagaxeen shacabka Caabudwaaq kuwaa oo dhigay banaan bax ay uga soo horjeedeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo ay baahi u qabeyn dadka isticmaala

Cabdi Cade

Wasiir 12 saacadood dabaashay si uu u bad baadiyo noloshiisa oo halis gashay !

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka farxiyey shacabka degaanka Dangoronyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---