Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Guriceel iyo Maamulka Galmudug oo War cusub soo saaray

Magaalada Guriceel waxaa wali ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada Federaalka ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo ciidamo u badan maleeshiyaad oo taabacsan kooxda Ahlu Sunna.

Dagaalka oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo ayaa ka socda xaafado dhoor ah oo katirsan Guriceel, waxaana wararku sheegayaan inta badan magaalada in ay la wareegeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug.

Masuul katirsan maamulka Guriceel oo Warbaahinta goordhaw la hadlay ayaa sheegay in magaalada inteeda badan ay joogaan ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug, waxa uuna xusay in kooxda Ahlu Sunna goobo yar magaalada ka joogaan.

Waxa uu sheegay masuulkan in hada Guriceel ka socdo howlgaladii ugu dambeeyay ee magaalada looga sifeenayo kooxda Ahlu Sunna, waxa uuna ugu baaqay shacabka magaalada jooga in ay guryahooda ku nagaadaan inta howlgalka socdo.

Dadka ku sugan magaalada Guriceel ayaa soo sheegaya in wali ciidamada iska soo horjeeda ku dagaalamayaan magaalada qeybo kamid ah, waxa ayna dadku sheegeen in dagaalka ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Guriceel ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo inta badan soo gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana dagaalka dadka ku dhintay ku jira saraakiil labada dhinac ka kala tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -