Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Askari Maraykan ah magdhow lacageed ku helay arrin yaab leh (Daawo Sawirro)

Askari u dhashay dalka Mareykanka oo ogaaday inuu ka soo jeedo isir madow ah ayaa magdhaw helay kaddib markii lagu forjeeeyey isirkiisa.

Sergeant Cleon Brown, oo ah askari ka tirsan ciidamada Mareykanka, ayaa dacweeyey niman ay isla shaqeynayeen oo ku dacaayadeeyey inuu leeyahay isir madow ah kaddib markii baaritaan lagu sameeyey DNA-giisa.

Waxa uu sheegay inay foorjeeyeen kaddib markii uu la wadaagay natiijada baaritanka, isagoo haatan helaya magdhaw gaaraya 65 kun oo doolar.

Sgt Brown ayaa sidoo kale sheegay in madaxa booliska ee halkaasi ay ugu yeereen erayga “Kunta,” oo ah eray ku jira boo laga qoray adoomaysiga dadka madowga ah.

Maamulka xarunta booliska ayaa sheegay inuu ninkan qeyb ka ahaa kaftanka, uuna xitaa ka hadlay natiijada.

Sgt Brown, ayaa ku doodaya inuu arkay muuqaalka Santa Claus oo madow oo lagu soo qoray “18%”.”Waxaan taasi ugu yeerayaa inay tahay takoor,” ayuu yiri Sgt Brown.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Midowga Afrika oo shaaciyey xiliga dib loo bilaabayo dhimista ciidanka ATMIS

Caydiid Ali

Wasiir Goodax oo ka hadlay xiisad ganacsi oo ka dhax aloosan Puntland iyo Hirshabelle

Cabdi Cade

Danjire Schwartz : “Somalia waxay mar kale qarka u saaran tahay dagaal sokeeye”

Caydiid Ali