Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada dowlada oo howlgal gaadmo ah ku dilay Dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka oktoobar ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga Deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka miltariga ayaa sheegay in howlgal gaadmo ah ay ka fuliyeen tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi halkaas oo ay sheegeen in ay ku dhuumaaleesanayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada milatariga ayaana sheegay in howlgalka ku dileen 7-dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab , waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in xubnahan la dilay ay isku dayeen in ay ka baxsadaan  ciidamada .

Saraakiidsha ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Janaale .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Dhuusamareb oo xukun dil ah ku riday rag horey u dilay dhaqtar & Macalin

Caydiid Ali

Kumanaan qof oo bilaabay iney ku laabtaan Woqoyiga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo Dabagal ku sameeneysa Shaqaalaheeda Baraha Bulshada wax uga sheega (Xog Cusub)

admin
Taboola Ads ---