Qatar oo marti-gelinayso Shir Degdeg ah oo looga arrinsanayo Biyo-xireenka Ethiopia

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inay maalinta Talaadada ee Isbuucan Shir Degdeg ku yeeshaan Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Hadal ka soo baxay Golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu shaaciyey in Kulankaasi dib loogu eegi doono Dhacdooyinka u dambeeyey ee laga walaacsan yahay ee arrinta Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki oo  la hadlay Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA waxa uu tilmaamay in Kulankaasi oo Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ah uu yimid, kadib, Codsi ka yimid Dowladaha Masar iyo Sudan oo iyagu ka walaacsan inuu Biyo-xireenka Ethiopia saamayn xooggan ku yeelan doono Saamiga Biyaha ee ay ka heli jireen Webiga Nile.

Kulanka Talaadada lagu qaban doono Caasimadda dalka Qatar ee Doha waxa uu noqon doonaa Kulanka Wada Tashiga Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Carbeed.

Masar iyo Sudan waxay muddo dheer ka walaacsanayeen Saaiga Biyaha ay helaan, kadib, markii ay Ethiopia bilowday inay Biyo-xireen ka dhistaan Niilka Buluga ah bishii May ee sanadkii 2011-kii.

Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia waxay sanadkii 2015-kii kala saxiixdeen Bayaan Guud oo lagu muuiyey inuusan saamayn Taban ku yeelan doonin Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia.

Bishii March ee sanadkan 2021-ka, waxa uu Madaxweynaha Masar, C/Fataax El-Sisi sheega inuusan qofna qaadan Karin dhibic biyo oo Masar leedahay.

Waxa uu sii raaciyey haddii ay arrintaasi dhacdo inay ka dhalan doonto Cawaaqib-xumo aan la saadaalin Karin oo saamayn ku yeelan doonta Mandiqada oo dhan.

W/Q Ustaad Nuradin Page

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -