Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal ciidan oo isku soo dhiibay

Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay sargaal ciidan oo ay sheegeen in uu katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan ciidamada ka howlgalayay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ayaa lagu soo bandhigay sargaalkan Al Shabaab sheegeen in uu soo goostay, waxaana sargaalkan magaciisa lagu sheegay Mustaf Xasan Axmed Aadan.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Al Shabaab ayuu ku sheegay Mustafa in uu katirsanaa saraakiisdha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay kahor inta uusan ciidanka ku biirin in uu kusoo tababartay degmada Bardaale.

Sargaalkan ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo ciidamada Koonfur Galbeed kadib markii uu u adkeesan waayay sida uu xusay dhibaato ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool.

Al Shabaab ayaa marar badan soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegeen in ay kasoo goosteen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah ciidamada ka amar qaata maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ronaldinho Oo Halmar Laba Xaas Guursanaya & Faah-Faahin Laga Bixiyay Waqtiga Guurka

Cabdi Cade

Xulkee ku guuleystay kaalinta 3aad ee koobka Aduunka 2022? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Murashaxiinta oo Saddex tallo oo Muhiim ah siiyay Ciidanka Xoogga dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---