Dowlada oo Dabagal ku sameeneysa Shaqaalaheeda Baraha Bulshada wax uga sheega (Xog Cusub)

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya dabagal ku sameeneyso Shaqaalaha kala duwan ee Dowlada ee sida weyn u isicmaala baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter.

Waxaa jira Shaqaalo badan oo dowlada Mushaar ka qaata kuna qoran Wasaaraha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowlada, kuwaa oo markii ay waayeen wax ay qabtaan mararka qaar Madaxda dowlada ku caaya kuna dhaliilla Baraha Bulshada.

Shaqaalaha Dowlada qaarkood oo qabyaalad dhinac martay ayaa mararka qaarkood baraha bulshada soo dhiga Qoraalo lidi ku ah dowlada ay u shqeeyaan kana qaataan Mushaarka, waxa ayna dadkan u badan yihiin kuwa aan shaqadooda xaadirin.

Dowlada ayaa wada qorshe lagu sameenayo dad gaar ah oo la socda baraha bulshada ay isticmaalaan dadka Dowlada u shaqeeya, waxaana qorshuhu yahay in Wasaarad kasta dad gaar ah loo xil saaro la socodka dacaayadaha dadka dowlada u shaqeeya ay fidiyaan.

Dadka Siyaada Falanqeeya ayaa rumeysan in ay tahay wax aan fiicneyn in dowlada dadkii ay Mushaarka siineysay in siyaasadeeda kasoo horjeestaan kuna ceebeeyaan Dowlada Baraha bulshada, halkii laga rabay in ay Dowlada difaacaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa mushaar siisa Kumanaan qof oo isaga qoran Wasaaraha iyo Hay’adaha kale ee dowlada, kuwaa oon wax shaqo ah u qaban Dowlada balse mushaar ku qaata shaqo magac u yaal kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -