Xulkee ku guuleystay kaalinta 3aad ee koobka Aduunka 2022? (Daawo Sawirro)

Xulka Croatia oo ku Guuleystay kaalinta 3aad ee Koobka Aduunka 2022 ka dib markii ay 2-1 uga badiyeen Xulka Marocco, ciyaar caawa ka dhacday magaalada Doxa

Croatia ayaa martay wadadii 1998 oo sidaan oo kale kaalinta 3 ay gaareen.

Xulka Croatia oo koobkii Aduunka ee la Soo dhaafay 2018 galay kaalinta 2 ayaa 4 sano ka dib gaaray kaalinta 3 ee koobka Aduunka 2022 waxaana ay 2-1 uga badiyeen Xulka Marocco oo ay u tartamayeen kaalinta 3aad.

Xulka Croatia ayaa biladii maarta lagu gudoonsiiyay Garoonka ciyaartu ka dhaceysay markii ay xaqiijiyeen inay ku guuleysteen kaalinta 3aad.

Ciyaarta finalka ah ayaa habeen dambe waxay ku dhexmari doontaa magaalada Doha ee dalka Qatar xulka difaacanaya koobka aduubka ee France iyo Xulka Arjentina oo u ooman iney koobka qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -