Ronaldinho Oo Halmar Laba Xaas Guursanaya & Faah-Faahin Laga Bixiyay Waqtiga Guurka

Halyeeygii hore Brazil Ronaldinho Gaucho ayaa halmar guursan doona laba haween ah sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Brazil.

Xidigii hore Paris Saint Germain, Barcelona iyo Milan ayaa lagu soo waramayaa inuu guntimaha u xiray jaceylka wadajireed ee kala dhaxeeya Priscilla Coelho iyo Beatriz Souza bishii August ee lasoo dhaafay.

Labadaan gabdhood waxey haatan si xurmeyn ah ugu nool yahiin guriga uu Ronaldinho ku leeyahay magaalada Rio de Janeiro kaas oo ku fadhiya aduun dhan 5 Malyan oo Pound.

Ronaldinho wuxuu bilaabay jaceylka kala dhaxeeya Beatriz Souza sanadkii 2016, balse ma uusan kala jarin xiriirkii awal kala dhaxeeyay Priscilla Coelho oo sanado hore ay wada socdeen.

Sida warbixinta lagu sheegay labada gabdhood waxey abaalmarin u heli doonaan aduun dhan 1,500 Pound maadaama ay ogolaansho siiyeen, waxaana loo qarash gareyn doonaa sida ay rajeynayaan.

Warbixinta waxey sidoo kale qireysaa in Ronaldinho uu labada gabdhood ula macaamilo si isku mid ah isagoo halmar usoo wada iibiya waxyaabaha la isku qurxiyo, sidoo kalana ay dhawaan wada iibsadeen hal (Perfume).

Falanqeeyaha heera sare ee reer Brazil Leo Dias ayaa kashifay in labada gabdhood ay guur ka codsadeen Ronaldinho bishii January, sidoo kalana uu faraantiga ay meherka u yaqaanaan u galiyay kal hore.

Wariyaha sidoo kale wuxuu kashifay in Ronaldinho uu laba hablood kuwada guuran doono xaflad khaas ah oo ka dhici doonta Santa Monica condominium, kuna taala dagmada Barra da Tijuca ee Rio, waana meel uu halyeeyga ku noolaa tan iyo 2015 – waxaana lagu daabacay warkaan wargeyska O Dia.

W/Q  Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” |

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -