Ciidanka Xoogga dalka oo shaaciyey iney Al-Shabaab ka dileen dagaalyahano 70 ka badan

Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Col. Cali Xaashi ayaa sheegay in dileen in ka badan 70 ka tirsanaa Al-Shabaab dagaal culus oo shalay ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

“Ciidamada waxay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoog leh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Col. Cali Xaashi.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Al-shababa markii laga xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigtaan, halkaasna ugu dambeyn jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Col. Cali Xaashi kama hadlin khasaaraha dhankooda soo gaaray balse waxaa uu sheegay inay Warbaahinta la wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen Al-Shabaab.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmay xili ciidamada xoogga dalka ay maalmihii la soo dhaafay howlgalo xoogan ka wadeen degaano ka tirsan Sh/dhexe, kaasoo uu horkacayey taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -