Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddigii loo xilsaaray xubnihii cabashada laga keenay oo fara gelin xooggan wajahaya

Guddigii RW Rooble u xilsaaray baaritaanka xubnihii cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo la xiriira kala saarida xubnaha la soo gudbiyey.

Waajibaadka guddigan ayaa ah iney shaqaalaha dowlada, saraakiisha ciidamada iyo gacan yarayaasha Madaxweynaha ka saaraan guddiyada doorashada ka dib markii ay arrintaas cabasho ka keeneen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

wararka ayaa in taas ku daraya in Dood adag ay ka taagan tahay xubanaha Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka oo ay cabashada ka gudbiyeen Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaale rayid, xubno ka mida NISA iyo taageerayaal baraha bulshada.

Xubnaha qaar ayaa la qorsheynayaa in dib loo soo celiyo, waxaana faragelin xooggan wajahaya Guddiga, iyadoo masuuliyiin awood dowladeed adeegsanasaya ay ku cadaadinayaan guddiga in la soo celiyo xubno ay heyb wadaag yihiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda, waxaana laga cabsi qabaa in hadii xubnaha qaar la soo celiyo uu ka dhasho muran cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Iskaashiga oo War kasoo saaray Mooshinka Farmaajo laga gudbiyay

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Shaam

Cabdi Cade

Israel oo ogolaatay inta badan shuruudihii Xamaas ku xirtay xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---