Ra’isul Wasaare Kheyre oo magaalada Brusseles kula kulmay Federica Mogherini

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Brusseles ee caasimada dalka Biljamka waxa uu kulan gaar ah kula qaatay  Federica Mogherini oo ah kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre la qaatay Federica Mogherini ayaa looga hadlay arimo badan ay kamid tahay amaanka Soomaaliya iyo sidii dowlada gacan looga siin lahaa dhismaha ciidanka.

Midowga Yurub ayaa taageero balaaran siiya Soomaaliya, waxa ayna inta badan bixiyaan qarashaadka ku baxa Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, waxa ay sidoo kale dowlada gacan ka siisay tababarida ciidanka Qalabka sida.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo hada ku sugan dalka Biljamka ayaa kaga qeyb galaya shir muhiim ah oo looga hadlayo amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ciidanka Soomaaliya kula wareegayaan amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -