Ra’isal Wasaare Rooble oo beri ku wajahan Magaalo ka go’doonsan dalka intiisa kale

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinta berri ah ku sii jeeda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle

Xubno ka tirsan xafiiska Rooble wafdi uu horkacayo Raisul wasaaraha ayaa Khamiista beri ah ka degi doona Jowhar, isagoo horkacaya wafdi balaaran oo ka tirsan labada gole.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo toddobaadyadii u dambeeyay joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta Rooble kaga hormaray Jowhar si uu halkaas ugu soo dhoweeyo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa inuu u kuur-galo xaalada Magaalada Jowhar oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay fatahaada Wabiga Shabelle, isagoo kormeeri doona xaafadaha ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha.

Waxaa go’ay jidadkii magaalada ku xirayey Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka kuwaasoo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka rakaabka iyo kuwa ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -