Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn khasaaro geestay ka fuliyay Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya ayaa duqeymo xoogan oo dhaliyay khasaaro nafeed ka fuliyay deegaano badan oo katirsan gobolka Gedo , waxaana duqeymahan lala beegsaday deegaano ay ku nool yihiin dad reer guuraa ah.

Deegaanada ay ciidamada cirka Kenya duqeeyeen ayaa waxaa kamid ah Ceelcade, likooley , laheley, Warburay,  Burcaleen, dhamase, wargaduudo, qulqul shubaal, balanbaal, muudale, abroone,  buusaar cows qurun & Darusalam.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya, dadka duqeynta ku dhintay ayaa kala ahaa hooyo Sahro Aadan Warsame iyo cunug ay dhashay halka ay lix qof oo kale ku dhaawacmeen.

Goobaha qaar ee duqeymaha ka dhaceen ayaa waxaa adag in la helo xiriirkooda isgaarsiinta, waxaana suurto gal ah in khasaaraha hada la og yahay ee ka dhashay duqeynta in ay kasii bataan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa marar badan duqeymo ka fuliyay deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo, waxaana duqeymaha Kenya inta badan waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxbo galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -