Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo kusii jeeda Baydhabo iyo Xog ku aadan ujeedka …

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi la socda, ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’isul Wasaaraha.

Sida aan xogta ku heleyno Ra’isul Wasaare Xamse Barre , ayaa u tagaya magaalada Baydhabo sidii uu ula kulmi lahaa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagareen oo maalmahan khilaaf kala dhaxeeyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Xamse Barre ayaa wararku sheegayaan in uu Baydhabo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in Xamse ku qanciyo Madaxweyne Laftagareen in uu yimaado magaalada Muqdisho , si uu wadahadllo dheeraad ah ula qaato Madaxweyne Xasan Sheekh.

Laftagareen ayaana wafdiga Ra’isul Wasaare Xamse Barre kala hadli doono tabashooyin maamulkiisa qabo, waxa uu sidoo kale kala hadli doonaa arrimo badan oo khuseeya khilaafka hadda taagan ee ka dhashay ciidamada Itoobiya ee laga saarayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleynbo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ka walaacsan tahay in Madaxweyne Laftagareen uu qaato go’aan uu ku qabsanayo doorasho isaga mar kale lagu dooranayo, isaga oo taageero ka helaya ciidamada Itoobiya ee jooga qeybo kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagreen oo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maalin kahor ku laabtay magaalada Baydhabo, waxa uuna haddalo uu jeediyay ku weeraray siyaasadda dowladda , isaga oo sidoo kale taageeray rabitaanka shacabka KG ee ku aadan in ciidamada Itoobiya la joogaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baadigoob xoogan oo loogu jiro nin toorey ku dhaawacay Haweeney Yahuud ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo amar siiyey Ciidamada Booliska Puntland ee Garoowe

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Banaan bax balaaran ay ka qeyb galeen Masuuliyiin oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade