Dowlada Somalia oo War ka soo saartay falkii lagu rasaaseeyey gaariga Xasan Shiikh

Wasiirka cadaaladda Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guddi uu horkacayo taliyaha Asluubta loo saaray baarista  rasaas galabta ciidan Asluubta ka tirsan ku fureen gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Max’uud.

Falkan ayaa ka dhacay Kontrol ciidan oo ku yaalla agagaarka xarunta Maxkamada gobolka Banaadir ee degmada Xamar-weyne.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhacdadan ay aheyd mid shil ah oo aan ku talo gal aheyn, ayna aad uga xun yihiin wuxuuna balan-qaaday in talaabo aga qaadayo cid kasta oo ay ku cadaato iney talaabo qaldan ku dhaqaaqday.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in arrintu aheyd lama filaan, isla markaana aysan jriin cid loogu talo galay, ayna ka raali gelinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo shacabka.

“Madaxweynihi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ilaalo la socotay oo ogaal la’aan jidka haysay ayaa waxaa ku qaldamay ciidanka asluubta, khaladkaas cid kasta haka yimaado, xabbadii rag baa tegay, xitaa madaxweynaha waa ka qeyb qaatay Gaarigiisa ayuu ka degay, xabbadiina waa la joojiyey,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -