Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada iyo Axmed Madoobe ka mahad celiyay

Xildhibaanada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ku meel mariyay golaha Wasiirada cusub ee maamulkaasi uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulanka Baarlamaanku ku ansixinayeen Xukuumadda cusub ayaa waxaa soo xaadiray  51 Xildhibaan, waxaana ogolaaday Xukuumada 50, halka uu ka amuusay hal Xildhibaan mana jirin wax Xildhibaan ah oo diiday ansixinta Xukuumada cusub ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada Cusub.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jubaland.
 
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.
 
Madaxweynaha ayaa gaba gabadii gudoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan Cusub guda gasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia 
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -