Somaliland oo caawa ku dhawaaqday Xabbad Joojin hal dhinac ah

Maamulka Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqay xabbad joojin shuruud la’aan ah dagaalkii dhoorka maalmood ka socday magaalada Laascaanood, kaa oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood.

Wasiirro maamulka Somaliland u xil saartay xal u helida colaada magaalada Laascaanood ayaa caawa ku dhawaaqay xabbad joojin degdeg , si xal loogu helo dagaalka dadka badan ku dhinteen kuna barakaceen ee ka socday magaalada Laascaanood .

Wasiirka warfaafinta  Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii ka socday magaalada Laascaanood sababeen khasaaro badan isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac aadna uga xun yihiin.

Waxa uu sheegay wasiirka in xukuumadda Somaliland go’aansatay dhaqangelinta xabbad joojin bilaa shuruud ah caawa laga bilaabo, waxa uuna dhinaca kale ciidamada deegaanka ee kasoo horjeeda ugu baaqay in ay a qaataan xabbad joojin shuruud la’aanta ah.

Wasiir Saleemaan Koore ayaana sheegay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in wadahadal ka gasho xaalada Laascaanood, waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay in colaada halkeeda lagu joojiyo si looga fogaado khasaaro kale oo labada dhinac kala gaara.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay wax kasta oo xal u noqon kara colaada ka taagan Laascaanood .

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna cadeeyay in go’aansadeen in xabbada lagu joojiyo shuruud la’aan sidoo kale laga galo colaada wadahadal.

Go’aankan xabbad joojinta ee caawa kasoo baxay maamulka Somaliland ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan dhinaca dadka deegaanka Laascaanood gaar ahaan waxgaradka hormuudka ka ahaa dagaalka looga soo horjeeday Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -