Midowga Afrika oo Go’aan ka dhan ah Milatariga maamula dalka Mali soo saaray

Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay in si KMG ah xubinimada ururka looga saaray dowlada Mali, kadib markii Madaxweynihii iyo Ra’isul Wasaarihii dalkaasi si qasab ah xilka uga tuureen milatariga dalkaasi awooda ku heesta.

Midowga Afrika Bayaanka kasoo baxay ayaa sidoo kale loogu hanjabay milatariga la wareegay talada Mali in ay la kulmi doonaan cunaqabateyno adag hadii aysan talada dalkaai dib ugu celin dowladii rayidka aheyd.

Afgambiga milatariga Mali ku sameeyeen dowladii KMG ee dalkaasi ayaana ka careesiiyay Midowga Afrika iyo qaar kamid ah wadamada taageera dalkaasi iyo kuwa ay ciidamada Nabad ilaalinta ka joogaan.

Dowlada Mali ayaa sidoo kale axadii lasoo dhaafay laga saaray xubanimada  Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Africa, waxa ayna dowladaha dalkaasi iyana ku baaqeen in dowlad rayid ah talada lagu wareejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia 
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -