Madaxweyne Sahle-Work Zewde oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoontay Danjire Ilka Jiir (Sawirro)

Madaxweynaha Dawladda Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoontay Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhin doona dalka  Itoobiya Ambassador Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabad kooban oo ka dhacday madaxtooyada Itoobiya ayaa danjiraha Soomaaliya u fadhin doona magaalada Adis Ababa looga gudoomay aqoonsiga safiirnimo, waxaana munaasabada ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada Itoobiya.

Safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhiya Itoobiya ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Itoobiya sida ay usoo dhaweesay, waxa uuna gaarsiiyay dhambaal salaan ah uu ka waday Madaxweyne Farmaajo.

Dowladaha Soomaaliya ayaa is dhaafsaday safiiro cusub, waxaana dhawaan Madaxweyne Farmaajo dhankiisa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Itoobiya u fadhin doona Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia 
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -