Isbitaalka takhasusiga ee Guuleed oo Qaliino kala duwan fulinaya

Waxaa dhamaan macaamiisha lagu wargelinaa in isbitaalka takhasusiga ee GUUULEED ay ku soo biireen takhaatiir ku takhasustay qaliinka guud kuwaas uu hogaaminaayo  Dr Mohamed Samy salama oo u dhashay dalka MASAR.

Taqaatiirtaan waxey ka fulin doonaan isbitaalka GUULEED dhamaan qaliimada guud oo waliba lagu fulin doono si lacag laan ah amase bilaash ah. Maalmaha la fulinaayo qaliimada waa inta u dhaxeysa 20ka ilaa 30 ka bishaan aan ku jirno ee lixaad amase bishaan Juun ee 2018).

Qaliimada la fulinaayo waxaa ka mid ah

Qallimada  dhagaxda ku jirta kalyaha iyo xamiitida,  qaliinka cunaha, qaliinka qanjirka taayroodka,qaliimada cudurada qabsinka sida bandijiidada, qaliimada burooyinka yar yar iyo waaweyn,qaliimada erniyada caloosha iyo xaniinyaha, qaliinka fistolaha iyo baabasiirka, qaliimada qanjirka baroostatkka iyo qaliimada burooyinka minka .

Hadaba horay u gaar isbitaalka takhasusiga ee GUULEED iyada oo is qorista hadaba socoto halkaas oo laguugu samayn doono qaliimo bilash ah amase lacag laan ah.

Fir Gaar ah:

Isbitaalka Guuleed waxuu ku yaalaa wadada TALEEX degmada Hodan. Tirada dadka loo adeegayo waa xadidanyihiin ee horay isku sii diiwaan geli.

Waxii faafaahin intaas dheer fadlan kala xariir lambarada kala ah: 0615152262 -0617500085-605745

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -