Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo qalab ciidan ugu deeqday Booliska Somalia (Daawo Sawirro)

Booliska dowladda Ingiriiska ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu deeqay qalab Ciidan oo ka kooban, Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha  dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto.

Waxaa qalabkaasi guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameriko.

Dr. Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association  oo ah Hey’adda  Booliska Ingiriiska ay u wakiisheen in qalabkaasi la gaarsiiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa S/Guuto Bashiir Warbixin ka siiyey qalabkaasi iyo Noocyada  kala duwan ee  ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association  Drs. Cabdi Aakhiro ayaa sheegay in Deeqda qalabkan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, isla markaana Hay’addiisa  loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.,

Waxaa uu tilmaamay in wax badan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -