Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Shaaciyay in derajadiisa dib loogu soo celinayo Jeneraal uu Derajada ka xayuubiyay Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Jeneraal Saadaq Joon dib loogu soo celiyay derajadii ciidanka iyo sidoo kale xaquuqdii uu ku lahaa booliiska Soomaaliya.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in sifo aan sharci aheyn markii hore derajada iyo xaquuqdiisaba looga qaaday Saadaq Joon, waxa uuna tilmaamay in hadda caddaaladii si tartiib tartiib ah usoo laabaneyso.

“Waxa aan rabaa in aan u hambalyeeyo halkaan Caddaalad u soo laabatay Gen. Saadaq Joon oo ah Xildhibaanka Saaxiibkeen ah oo caawa dib ugu soo laabatay derajadiisa sida dambiga ah ee xaqdarrada ah looga qaaday markii uu kahor yimid dulmigii dalka ka jiray, waxa aan rajeyneenaa in qof weliba caddaaladdii luntay oo dhan in tartiib-tartiib dib loogu soo celiyo ayaan rajeyneenaa” Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe dib derajooyinka ciidan loogu celinayo  Gen. Cabdalla Cabdalla oo horey usoo noqday taliye kuxigeenka hay’adda NISA, waxaana sargaalkan isna darajadiisa ka xayuubiyay Madaxweyne Farmaajo.

Jeneraalkan katirsanaa hay’adda NISA ee darajada laga xayuubiyay ayaa la sheegay in ay isku dhaceen taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin sidaa darteedna madaxweynaha u qaatay go’aan ah in derajada ka qaado sidoo kale xaquuqdii uu NISA ku lahaa meesha ka saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dilka Xildhibaan Boqore & Al-shabaab oo war ka soo saartay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Itoobiya iyo Eritrea uu dalka ku qabsanayo !!

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerar lagu qaaday Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---