Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo Madaxtooyada oo War kasoo saartay…

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo, kuwaa oo u dhoofay magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa kulamo gaar ah kula yeelan doona Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan arimo xasaasi ah oo xiligan taagan.

War kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta ay kulan wada yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Abiy.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka geeska Afrika xiligan ka socda.

Safarka uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya ku aadan dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid deg deg ah , waxaana safarkan uu salka ku hayaa kulan sadex geesood ah oo Asmara ku dhax maray Madaxda Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Eritrea..

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waqtigiisa ugu badan ku bixiyay safaro dalka dibadiisa ah, waxaana siyaasiyiinta dalka ay aad u dhaliileen safarada badan ee Madaxweynaha ay sheegeen in wax micno ah aysan ku jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -