Sheekh Cali Dheere oo shaaca ka qaaday sababtii ay u weerareen magaalada Nairobi

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah talaadadii waxa ay ku qaadeen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya gaar ahaan Hotelka Dusit.

Weerarkan Al Shabaab waxa ay ku dileen dad ku dhaw 20-qof oo isugu jiray dad Kenyan ah iyo sidoo kale dad kale oo u dhashay Wadamo ay ku jiraan Mareykanka iyo Britain, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo badan.

Afhayeenka guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay howlgalka ay ka fuliyeen ciidankooda magaalada Nairobi loogu magac daray Labeyka Yaa Qudus looguna aargudayo dadka reer Falastiin ay Yahuudu dhibaaada ku heyso.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in goobta ay weerareen ku yaaleen xarumo shirkado Hay’ado iyo sidoo kale hotelo, waxa uuna sheegay in saacado badan dagaalyahanooda ka dagaalameen goobtaasi.

Waxa uu sheegay in weerarkan jawaab u ahaa Talaabadii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus in ay tahay caasimada maamulka Israa’il, waxa uuna xusay in weerarkaasi muujiyay tabar darada cadowga.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ku dileen kontomeeyo dad ah oo isugu jira Mareykan, Britan, reer galbeed kale iyo dad kale oo Kenyan ah, waxa uuna xusay in dad kale oo badan  weerarkaasui ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ka geesteen magaalada Nairobi lagu dilay 14-qof oo isugu jiray dad ajaaniib ah iyo sidoo kale dad u dhashay dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -