Taliyihii hore ee ciidanka Difaaca Uganda Gen. Katumba Wamala oo saakay la toogtay

Wasiirkii hore ee Gaadiidka dowlada Uganda sidoo kale soo noqday taliyaha ciidanka Difaaca Uganda Gen. Katumba Wamala , ayaa saakay weerar lagu qaaday gaarigiisa xili uu marayay wado kutaala magaakada Kampala.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa goordhaw ku waramay in rasaas xoogan lagu furay gaariga uu la socday Janaraalka , waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay gabar uu dhalay taliyihii hore ee ciidanka Difaaca Uganda Jen. Wamala iyo darawalkiisa, waxaa sidoo kale dhaawac culus uu weerarka kasoo gaaray Janaraalka.

Ciidamo milatari ah ayaa si deg deg ah ugu usoo gurmaday taliyaha la weeraray , waxa ayna ciidanka ku guuleesteen in ay difaacaan taliyaha sidoo kale dhaawaciisa u qaadaan isbitaal gaar ah.

Taliyahan la weeraray ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Uganda , lamana oga ilaa hada cida ka dambeesay weerarkan saakay lagu qaaday iyo waliba ujeedka ay u fuliyeen weerarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -