Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Talyaaniga oo laga reebay Wariyaal iyo Sawir qaadayaal ka… 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa inta badan safarada uu ku tago dalka dibadiisa waxaa horey u raaci jiray Wariyaal iyo Sawir qaadayaal gaar ah ,kuwaa oo soo gudbin jiray xogaha safarka Madaxweynaha .

Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa shalay gaaray dalka Talyaaniga uu ka helay martiqaad rasmi ah, waxaana safarka Madaxweynaha laga reebay Wariyihii gaarka iyo Sawirqaadihii Madaxweynaha safarada ku wehlin jiray.

Safarka Madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehliya Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada oon isagu xirfad badan u laheyn dhinaca sawir qaadista, waxaana wali Madaxtooyada aysan Warbaahinta usoo bandhigin xogo iyo sawiro ku aadan safarka Farmaajo ee Talyaaniga.

Sida aan xogta ku helnay Wariyaasha iyo Sawir qaadayaasha Madaxweynaha ku wehlin jiray Safarada ayaa looga reebay cabsi laga qabo in ay ka goostaan wafdiga ay la socdaan iskana dhiibaan Yurub.

Wariyaha gaarka ee Madaxweynaha iyo Sawir qaadaha ayaa inta badan raaci jiray safarada Madaxweynaha ku tago wadamada aan Yurub ka tirsaneyn, waxaana inta badan safarada wadamada Reer galbeedka laga ilaaliyaa dadka aan heesan baasaboor Yurub ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -