Sirdoonka Turkiga oo Hawlgal qarsoodi ah kusoo qabtay Salaaxudiin Gulen

Ciidamada Sirdoonka Qaranka Turkiga ayaa howlgal qarsoodi ah ay ka fuliyeen dal dibadda ah kusoo qabtay nin mucaarad ku ahaa xubina ka ahaa koox mucaarad ah oo la mamnuucay.
 
Ilo dhanka Ammaanka ayaa waxay sheegeen inay Sirdoonka Turkiga ay Xubin ka tirsan Kooxda FETO ee uu hoggaamiyo Fetullah Gulen ka soo qabteen dal dibedda ah oo aan la carababin.
 
Ninka la soo qabtay oo lagu magacaabo Salaaxudiin Gulen waxa uu qaraabo dhow la yahay Fetullahi Gulen, waxaana dib loogu soo celiyey gudaha dalka Turkiga, kadib markii si qarsoodi ah looga soo xiray dal dibadad ah.
 
Xaaska ninkan ay soo qabteen Sirdoonka dalka Turkiga oo macalimad ka ah dalka Kenya ayaa sheegtay in ninkeeda lagu waayay magaalada Nairobi horaantii sanadkan una maleenayaan in halkaasi ka afduubteen Sirdoonka Turkiga.
 
Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga ee MIT ayaa la sheegay inay fuliyeen Hawlgalka lagu qabtay Eedeysanayaasi.
 
Salaaxudiin Gülen waxaa uu xubin ka yahay Koox Hubeysan oo Argagixiso ah, isagoo ka tirsan xubnaha Guddiga La-talinta iyo Saraakiisha sarsare ee Kooxda FETO.
 
Hoggaamiyaha Kooxdaasi, Fetullaah Gulen oo deggan dalka Maraykanka waxaa lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee bishii July 15-dii ee sanadkii 2016-kii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Erdogan, waxaana afgembigaas dhicisoobay waxaa lagu dilay 251 qof, halka ay 2,734 kalena ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -