Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la kulmay Masuuliyiin katirsan Somaliland

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulan la qaatay masuuliyiin katirsan maamulka Soomaaliland ee doonaya in Soomaaliya ineeda kale ka go’aan.

Kulanka ayaa ka dhacay Hotel kuyaala magaalada Nairobi, waxaana xubnaha Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir la kulmay kamid ah Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Feysal Cali Waraabe.

Sida aan wararka ku helnay kulanka oo u badnaa mid sheeko ah ayaa dhinacyada uga hadleen aragtida siyaasadeed ee xiligan ka taagan geeska Afrika iyo sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland ayaa dadaal badan ugu jira sidii ay u noqon lahaayeen dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, waxaana aqoonsigeeda lagu xiray in Soomaaliya wadahadalo la gasho kana hesho ogolaansho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Itoobiya oo go’aan cusub ka qaadatay dagaalkii ay kula jirtay Xoogaga TPLF

Caydiid Ali

Farmaajo oo Murugada la qeyb saday Ganacsatdii ku hanti beeshay magaalada Jigjiga

Cabdi Cade

Ogow shuruudaha laga doonayo qofka raba inuu hub ku dhex wato Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---