Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada gobolada Woqooyi oo sheegay inaanu metelin Cabdi Xaashi (Akhriso)

Illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa War saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo ee ka dhanka ah dhismaha Guddiyada doorashada

waxay sidoo kale ku caddeeyeen War-saxaafadeedkooda in dhismaha Guddiyada doorashada loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee dhexmaray DF iyo dowlad goboleedyada.

Hadalka xildhibaanadan ayaa dhabarjab ku ah guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ka soo horjeestay guddigii doorashooyinka xubnaha gobolada woqooyi ee uu soo magacaabay RW kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya inuu xaq u leeyahay magacabida guddigan, maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya ee DF ku metelada xubnaha gobolada Woqooyi.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda Ganacsatada Daawada

Caydiid Ali

Gambaleelka Suuqii ugu horreeyay ee Saamiyada Itoobiya yeelato oo la yeeriyay

Cabdi Cade

Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu heystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---