Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo Dayniile ku toogtay askari dhac u geestay dad shacab ah

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Dayniile ayaa xalay xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile ku toogtay nin xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya oo moobeelo ka dhacay dad shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay ninkan hubeesnaa oo dhoor qof ka dhacay moobeelo ayaa waxaa daba galay dhalinyaro xaafada uu dhacay ka geestay katirsanaa kuwaa oo hoos ka wacay booliiska kuna wargaliyay dhaca ninkaasi geestay iyo guriga uu galay.

Ciidamada booliiska saldhiga booliiska Dayniile ayaa markii la tusay guriga uu galay ninkaasi ayaa baaritaano ku sameeyay, waxaana daqiiqado kadib dhacday rasaas sababtay in uu geeriyoodo ninkii dhaca u geestay.

Booliiska ayaana ninka geeriyooday ee dhaca geestay kasoo qaaday moobeeladii uu qaatay, waxa ayna meydka ninka la dilay u gudbiyeen ciidamada baarista dambiyada ee CID kuwaa oo sawirro ka qaaday meydka baaritaanana ku sameeyay qaabkii uu u geeriyoodsay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay burcada hubeesan ee dhaca u geesta dadka shacabka ah, degmooyinka katirsan gobolka Banaadir ayaana dhaca ka noqday joogtay laguna dhibaateeyo shacabka habeen iyo maalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaano adag oo ka socda guryaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada iyo tuhuno soo baxay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo aaday Kenya iyo xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade

Sudan oo aqbashay in Maxkamada ICC ku wareejiso saraakiil dambiyo loo haysto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---