Abiy Axmed oo dalbaday in dowladiisa lagu soo wareejiyo Mengistu Haile Mariam

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa dowlada Zimbabwe ka codsaday in Itoobiya kusoo wareejiyaan kaligii taliskii dalkaasi hogaamin jiray ee  Mengistu Haile Mariam oo hada kunool Zimbabwe.

Mengistu Haile Mariam ayaa dalka Zimbabwe ku jooga magan galyo siyaasadeed, waxa uuna dalkaasi tagay sanadkii 1991-dii ,kadib markii xoog looga tuuray talada dalka Itoobiya uu sanado badan hayay.

Abiy Axmed oo ka hadlayay munaaabada xoriyada hadalka oo ku beegneyd shalay oo jimco aheyd 3-da bisha May ayaa ka codsaday dowlada Zimbabwe in ay kusoo wareejiso  Mengistu Haile Mariam.

Ra’isul Wasaaraha ayaan sheegin in la maxkamadeyn doono hadii Mengistu dowladiisa lagu soo wareejiyo, dowlada Zimbabwe oo Mengistu siisay magan galyada ayaan wali dhankeeda ka jaaabin codsiga Itoobiya.

Mengistu Haile Mariam ayaa dambiyo badan ka galay dalka Itoobiya intuu uu xukunka hayay, waxa uuna Mengistu uu dilay xubno badan oo mucaarad ah iyo dad badan oo kasoo horjeestay, waxa uu sidoo kale Itoobiya galiyay dagaalo dhiig badan ku daateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -