Boolis gacanta ku dhigay lamaane ka ganacsan jiray xubnaha jirka dadka (Daawo Sawirro)

Baaritaan ayaa lagu hayaa lamaane u dhashay dalka Mexico oo la xiray iyagoo wata xubno ka tirsan jirka bani’aadamka, iyadoo lala xiriiriyay dilka labaatan ruux oo la waayey sida booliska dalkaas ay sheegeen.

Booliska ayaa intaas ku daray iney xubno bani’aadam ku arkeen qaboojiyeyaal yiilay gurigii ay lamaanahaasi deganaayeen iyo dhismo kale oo aan ka fogayn.

Lamaanahan ayaa iibinayey xubnaha jirka dadka iyadoo ninka uu qirtay dilka labaatan haween ah oo ka mid ahaa dad lagu waayey dalkaas, balse cidda ay ka gadayeen ayey boolisku baaritaan ku hayaan.

Caro weyn ayaa ka dhalatay markii arrintan ay soo shaac baxday, waxaana mudaaharaadyo laga dhigay waddooyinka Ecatepec oo ah degaan ay ku nool yihiin dad danyar.

Dadka dariska ah ayaa sheegay in lamaanahan ay mar walba wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaasoo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka bani aadamka oo lagu qaadi jiray.

Booliiska ayaa joojiyey oo baaray gaariga ka dib markii bishii Sebtembar la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay oo labo bilood jiray.

Juan Carlos ayaa qirtay inuu dilay Huitron waxaa kale oo uu magacabay Arlet OlguĆ­n oo 23 jir ah iyo Evelyn Rojas oo 29 jir ahayd, kuwaas oo uu sheegay inuu khaarajiyay.

Sidoo kale waxaa uu qirtay inuu dumarka tacaddi galmo u gaysan jiray inta uusan dilin, intaas ka dibna uu dili jiray uuna qaybo ka mid ah xubnaha jirkooda iibsan jiray.

Huitron ayaa la waayay lixdii Sebtembar iyadoo uu weheliyo ilmaheedu ka dib markii ay iskuul gaysay labadeeda gabdhood ee waawayn.

Hase ahaatee Markii gabdhihii la waayay wax iskuulka ka celiya, ayay dariskii qaylo dhaan direen.

Booliiska ayaa sheegay in Juan Carlos uu askarta ka codsaday in loo la biso oo suut loo xiro ka hor inta aan saxaafadda la horgaynin “Sababtoo ah dambiile Wasakh ah ma ihi” ayuu yiri Juan Carlos oo hadalkiisa aad loola yaabay.

Ā 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -