Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo u hanjabtay heyadaha QM iyo kuwa gargaarka ee ka howlgala Somalia

Kenya ayaa ugu hanjabtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

Xukuumada Nairobi ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada Somalia.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa uga digay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya iyo kenya u kala goosha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo caawa War soo saartay baaqna u dirtay DF iyo maamul Goboleedyada 

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni: “Haween Bastoolado dad ku handadaya ayaa lagu arkay Boosaaso”

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhig ay dhawwaan wareejiyeen Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---