Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Soomaaliya oo Faah faahisay kulan maanta ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Mudane Rooble ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomida doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

 

 

Related posts

Amaro lagu soo rogay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka duula Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee loo xalin karaa khilaafka fogaaday ee ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble?

Caydiid Ali

Wasiirka A/dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---