Sidee loo xalin karaa khilaafka fogaaday ee ka dhex aloosan Farmaajo iyo Rooble?

Farmaajo, Mursal, iyo Rooble midna si sharciya xilka loogama qaadi karo, maxaa yeelay sharci dastuur xilalka kuma hayaan, waxaana khalad ah ineey qiil ka dhigtaan ku dhaqanka dastuur ay horay u soo wada duugeen ku dhaqankiisa oo haddana ay ku cadahay in awoodahoodii dastuuriga ahaa uu dhacay, waxey hadda ku joogaana uu yahay heshiis siyaasadeed oo aan midna u ogolaaneyn inuu kan kale xilka ka qaadi karo iyo in awoodoodu ku siman tahay iney kuraastooda sharaf ugu fadhiyaan inta ay doorasho ka dhaceyso, kaas oo ah maqaam sharfeed aan cod iyo awood midna lahayn.

Farmaajo dhinac walba waa uu ku fashilan yahay, mana awoodo inuu eeda guuldarada qaato oo uu iscasilo, mana jirto maanta hayad dowladeed oo xilka ka qaadi karta iyo awood shisheeye oo si toosa ugu amri karta inuu xilkaas maqaarsaarka ah ka dego. Waxaa sidoo kale aan cid walba caqligoodu uusan qaadan karin in in xoog dhiig ku daato xilka looga wareejiyo. Waxaase suurtogal ah in xukun maxkamadeed oo gudaha ah ama dibedda ah uu xilkiisa ku weyn karo oo gudaha iyo dibeduba ay qiil weyn u heli karaan xil ka xayuubintiisa. Waxaa kaloo Golaha Amaanka UNka ay qaraar ahaan u soo saari karaan in dalka dib loogu celiyo kmg, sidaasna ay UNku U maamulaan dowladnimada Soomaaliya, iyagoo dhisaya guddi xilgaarsiina oo dalka ku hogaamiya qabashada doorasho, taas oo meesha ka saareysa xukunka saddexdaas nin. Laakiin waxaas oo dhan marka hore waxaa ka horeeya baaq nabadeed oo Farmaajo loogu baaqayo inuu tanaasulo oo si nabada xilka uga dego.

Haddii Farmaajo quusto oo uu ku baxo heshiis caalamiya sida Kampala Accord, xilka sii hayaha madaxweynaha waxaa kursigiisa ku fariisanaya Mursal oo Ah “Dibi Kursi Ku Fadhiya”. Wax badan ayuu ka liita Farmaajo garasho ahaan iyo sharaf dhowris ahaanba, waxaana sii muuqata in isaga iyo Rooble aysan heshiis ku wada dhameysaneyn xilgaarsiinta xiliga kala guurka, taas oo haddii ay dhacdo horseedi karta in gudoomiyaha maxkamada sare uu xilka kala wareegi karo, labadooda midka fudud inuu baxo, taas oo ay macquul tahay inuu xilka kala wareego Mursal si doorashadu ay u soo gabagabowdo.

Rooble sida xeerka dhaqanka siyasadeed ee Soomaalidu qabto waxey ahayd inuu qanaca iyo rabitaanka madaxweynaha ku shaqeeyo, maxaayeelay horay marna uma soo dhicin dowlada ku shaqeysa sida uu farayo dastuurku, wuxuuna sidaas Rooble ku muteystay inuu qiyaamay cida xilka u soo magacaabatay, waxaana isaga taas bedelkeeda u fududeyd inuu xilka iska casilo haddiiba uu ka baxayo heshiiskii uu la galay madaxweynaha oo ahaa inuu maqaarsaarnimo kula shaqeeyo, madaxweynuhuna uu si dadban u yeelanayo awoodaas. Rooble wuxuu si xun u dhaawacay in Farmaajo uu ku sii nagaado Siyaasadda Soomaaliyeed, kuna dambeeyo sharafxumo iyo magacxumo uusan ka soo kaban karin inta noloshiisa ka harsan. Rooble isaguna faa’iido badan kama macaashayo Farmaajo kadib oo Mursal iyo ciddii kale oo ka dambeysa ayaa isagana ka saareysa ku sii jirida saaxada siyaasadeed. Rooble dhaarta uu maanta qiilka ka dhiganayo inuu isku difaacayo waa midii isagoo miyir qaba uu ku galay heshiiska, markaasna afeef hore kama uusan sameysan, laakiin kuwii soo xushay ayuu dulmiga kula heshiiyey haddana dhaar beeneedkii ku kediyey.

Aragti ahaan waxaan rumeysanahay in Farmaajo fashilan yahay oo uu si weyn u qaldan yahay, sidaas si la midna ay wax badan la wadaagaan Mursal iyo Rooble oo marna aan danta guud darteed gudashada xilalka wajibaadka dalkooda aan ugu adeegeyn dadkooda. Waxeyna dhamaantood caqli xumadoodu u horseeday iney iney tixraac ka dhigtaan dastuur la duugey, faragelin shisheeye oo mid walba saaxiibo dibadeed oo gaara uu ku tiirsan yahay, iyo adeegsiga hayado dowladeed oo mid walba uu barbarkiisa ka haysto. Rooble waa dhib loo baahday oo macangeg kelitalisa meesha ka saaray, laakiin waa mid lagu hungoobayo hogaankiisa siyaasadeed oo aysan jirin xeer xakameyn kara gebi dhacleynta uu u dhexeeyo dhaarta awooda sare ee Alle iyo dhaarta awooda hooseysa ee dowladda oo heshiis qiyaaneed qarsoon uu ku galay.

Halista maanta lagu jiro waxaa dhaanta maxmiyada UNka oo hadda xeerkeedu uusan adduunka ka jirin, mar horana laga tirtiray sharciyada UNka, oo xataa haddii la dalbado aan la heli karin.

Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -