Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka A/dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Abdalla Bin Zayed ayaa bartiisa Twitterka ku daabacay qoraal Afsoomaali ah oo uu ku cambaareeyay qaraxyadii dadka faraha badan ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

“Waxan cambaareynayaa qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Muqdisho. Waxan tacsi u dirayaa qoysaska dhibanayasha, intii ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah” ayuu qoraalkisa ku yiri wasiirka

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirku sheegay in Imaaraadka Carabta ay garab taagan tahay dowlada iy shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan Dowladda & Shacabka Soomaliyeed ku garab taagannahay ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah amnigooda” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa xiriir wanaagsan la leh Madaxweyne Xassan Shiikh iyo dowladiisa, inkastoo imaaraadka hoos u dhigay xiriirkii kala dhexeeyey dowladii ka horeysay ee Farmaajo oo intii ay xilka heysay uu heerkii ugu hooseeyey gaaray macaamilka labada dal

Dad ka badan 120 qof oo dhimasho ah iyo 324 qof oo dhaawac ah ayaa illaa hadda laga diiwaan geliyey qaraxyadii 29kii bishan ka dhacay nawaaxiga isgoyska Soobe, iyadoo ilaa hadda nolol iyo geeri lagu weysay yahay 10 qof, Al shabaab ayaana masuuliyada qaraxyadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka oo ku fiday Muqdisho iyo Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay Hotelada Muqdisho ku yaalla (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxyadii galabta ka dhacay Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---