Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada Booliiska Haramcad oo gacanta kusoo dhigay nin weerar geestay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in ciidamada booliiska Haramcad gacanta kusoo dhigeen nin weerar bambaano xalay la geestay magaalada Jowhar.

Weerar bambaano loo adeegsaday ayaa xalay lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Hirshabelle oo kutaala kasoo horjeedka saldhiga booliiska Jowhar , lamana sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamada Haramcad ayaana weerarka bambaano kadib howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay in ay kusoo qabteen ninkii weerarka bambaano ka dambeeyay , kaa oo lagu xiray saldhiga booliiska Jowhar kuna socdaan baaritaano.

Magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay amaankeeda xumaa, waxaana dhawaan ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo dhax maray ciidamada Hirshabelle iyo koox macawiisley ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weeraro isku mar bilowday oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Hormuud oo Maanta Boqol Kun oo Dollar u qeybisay carruur agoon ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka Jubbaland oo soo saaray Wareegto lagu magacaabay Masuuliyiin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---