Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wabiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne iyo cabsi xoogan oo jirta

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wabiga Shabelle xalay bilaabay in uu ku fataho xaafado katirsan magaaladaasi kadib markii uu wabiga buux dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in wabiga uu ku fatahay xaafado katirsan magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafada Dhagax Jibis, waxaana xaafadaasi ku fatahay biyaha wabiga oo buux dhaafay.

Qaar kamid ah dadka kunool xaafada uu wabiga Shabelle ku fatahay ayaa bilaabay in ay barakacaan, waxaa sidoo kale cabsi xoogan laga qabaa in wabiga ku fataho xaafado kale oo kuyaala magaalada Baladweyne.

Mudooyinkii dambe Baladweyne waxaa ka socday dadaalo lagu xakameenayay in wabiga fatahaad sameeyo, waxaana maamulka iyo dadka deegaanka sameeyeen goobo biyo xireeno ah si looga gabaad galo in fataaho lamid ah kuwii hore Baladweyne ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Goodax Barre miyaa ceeb loo raadinayaa maadaama Imtixaankii Shahaadiga dib-u-eegis lagu sameynayo !!

admin

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Maxaas oo kordhay iyo dad isku qoys ahaa oo ku dhammaaday

Cabdi Cade

Ilhaan Cumar oo si kulul uga hadashay qorshaha Trump ee bariga dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---