Hormuud oo Maanta Boqol Kun oo Dollar u qeybisay carruur agoon ah (Daawo Sawirada)

Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda.

 Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar)

Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn.

Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan.

Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa  Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan.

Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda  ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa.

Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini.

- Advertisement -